Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Brighton & Hove Albion vs Liverpool

$
0
0

liv

(England) 02 Dis 2017. Liverpool oo guul isha ku heysa ayaa u safreysa Brighton & Hove Albion.

Wararka Labada dhinac:

Tababaraha Brighton Chris Hughton ayaa eeganaya inuu dib ugu yeero daaficiisa garabka bidix ee Gaetan Bong, kaa oo dhaawac fudud oo jilibka ah ku seegay ciyaartii ay bar baraha la galeen Crystal Palace.

Steve Sidwell ayaa ah laacibka kaliya ee ka maqan kooxda yar kaa oo ka soo kabanaya qaliin looga sameeyay dhabarka.

Joel Matip ayaa ka maqnaanaya Liverpool kaddib markii uu soo gaaray dhibaato muruqa ah guushii ay ka gaareen Stoke City, laakiin Ragnar Klavan ayaa la arkaa inuu ka soo laabto xanuun uu ku maqnaa.

Adam Lallana ayaan weli taam u ahayn inuu soo laabto halka uu weli sii maqnaan doono Nathaniel Clyne.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Brighton & Hove Albion vs Liverpool (Premier League)

Goobta: Falmer Stadium

Goorta: 06:00 Maqribnimo

Garsoorka: Graham Scott (England)

Kulamada Waji ka Wajiga:

Markii ugu dambeysay ay labadan kooxood isku qabtaan horyaalka waxay galeen bar baro 2-2 kolkaa oo lagu ciyaarayay garoonkii hore ee Brighton,  Goldstone Ground bishii March ee 1983.

Kulankaa kaddib waxay ku kulmeen lix koob kale, Liverpool ayaana adkaatay afar jeer oo ay ku jirto 6-1 kulankoodii ugu dambeeyay ay is arkaan kaa oo ahaa wareega 5-aad ee FA Cup ay ku ciyaareen Anfield bishii Febaraayo 2012.

Xaqiiqooyinka kulanka:

Brighton & Hove Albion

Brighton ayaa dhinaceeda dhulka la dhigin lix kulan oo Premier League ay ku ciyaarto mininkeeda iyadoo afartii ugu dambeysay ay dhammaan ku dhamaadeen bar baro.

Yeelkeede, kaliya hal guul ayay gaareen shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.

Chris Hughton ayaa guul darreystay dhammaan saddexda kulan ee Premier League uu ka horyimaaday Liverpool isagoo tababare ah, kooxdiisii hore ee Norwich waxaa mudadaasi looga dhaliyay 15-gool

Pascal Gross ayaa si toos ah ugu lug lahaa sideed ka mid ah 13-kii gool ay horyaalka ka dhalisay Brighton xilli ciyaareedkan, wuxuu dhaliyay saddex ka mid ah halka uu caawiyay 5 kale.

Liverpool

Liverpool ayaan laga adkaan shan kulan oo horyaalka ah, afar ayay guul gaartay waxayna ku dhalisay 14-gool.

Safka hore ee Reds ayaa sameeyay 48 fursadood horyaalka xilli ciyaareedkan waana in 11-dheer koox kasta oo kale.

Guushii dhaweyd ay Liverpool 3-0 uga soo adkaadeen Stoke ayaa ah tii ugu horreysay ay shabaqeeda ilaashato kulamada banaanka ee horyaalka kal ciyaareedkan.

Kulamada horyaalka ay banaanka ku soo ciyaarto Liverpool kal ciyaareedkan ayay ku dhalisay 31-gool.

12 ka gool uu Mohamed Salah ku dhaliyay 14-kiisii kulan ee ugu horreeyay Premier League kal ciyaareedkan ayaa Rikoodh ka noqday Liverpool.

Safafka Macquulka ah ee Brighton vs Liverpool:

livv

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles