(England) 02 Dis 2017. Arsenal ayaa soo dhaweyn doonta caawa Manchester United kulankii 15-aad Premier League xilli ciyaareedkan.
Wararka Labada Dhinac:
Alexis Sanchez ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo kulanka iyadoo ay jirto in loo badelay cabasho muruqa ah usbuucii tagay.
Alexandre Lacazette ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac gumaarka ah ku seegi doono kulanka.
Xiddiga qadka dhexe ee Man United Nemanja Matic ayaa shaki ku jiraa inuu ka soo muuqdo kulanka kaddib markii uu dhaawac muruqa ah ku baxay ciyaartii ay ka adkaadeen Watford.
Marouane Fellaini ayaa kulanka seegi doona sababo la xiriira dhaawac jilibka ah sidoo kale Eric Bailly, Phil Jones iyo Michael Carrick ayaa iyana maqnaan doona.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Arsenal vs Man United (Premier League)
Goobta: Emirates Stadium.
Goorta: 08:30 Habeenimo.
Garsooraha: Andre Marriner (England)
Kulamada ay Waji ka Waji isaga horyimaadeen:
Waa kulankii 51-aad ay labada kooxood isku wajahayaan Premier League, Man United ayaa adkaatay 22-jeer halka ay Arsenal adkaatay 13-jeer waxayna bar baro galeen 15-jeer.
Wadar ahaan horyaalka Ingiriiska waxay wada ciyaareen 196-kulan, Manchester United ayaana gacan sarreysan oo waxay adkaatay 81-kulan.
Arsenal ayaa laga adkaaday uun hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ay garoonkeeda kula ciyaarto Man United, (Labo guul iyo labo bar baro.)
Gunners ayaa eeganeysa inay kulankeedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka guul garoonkeeda uga gaarto Man United markii ugu horreysay tan iyo 1991.
Guushii ugu dambeysay ay Manchester United ku gaarto Emirates Stadium ayaa ahayd 2-1 bishii November ee 2014, guushii ugu horreysay uu kulamada bannaanka ku soo gaaro Louis van Gaal.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:
Arsenal
Arsenal ayaa guul ku gaari karta garoonkeeda 13 kulan Premier League oo xiriir ah markii ugu horreysay tan iyo Bishii November 2005.
Waxay guulo gaareen afartii kulan ee ugu dambeysay garoonkeeda ay ciyaarto habeen sabti horyaalka Premier League tan iyo guul daradii 2-1 ka soo gaartay Man United bishii November ee 2014.
Gunners ayaa garoonkeeda looga dhaliyay afar gool uun xill ciyaareedkan oo saddex ka mid ah waxaa laga dhaliyay kulankoodii furitaanka horyaalka ay 4-3 uga adkadeen Leicester City.
Ozil ayaa diiwaanka gishtay labo gool iyo labo caawin ah afartiisii kulan ee ugu dambeeyay ee ka hor yimaado Man United.
Manchester United
Manchester United ayaa eeganeysa in markii ugu horreysay tan iyo bishii April ay gaarto labo guul oo isku xigta Premier League kulamada ay bannaanka ku soo ciyaarto.
Farqiga goolasha ee Man United ayaa iminka ah +24 waana toodii ugu fiicneyd ee heerkan tan iyo xilli ciyaareedkii 2000-01.
Sidoo kale waxay urursadeen 11-dhibcood in ka badan intii ay heysteen kal ciyaareedkii tagay waqtigan oo kale.
Jose Mourinho wax guul ah ma gaarin 11 kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka kulamada banaanka uu ku wajoho lixda koox ee sare. (5-bar baro iyo 6-guul daro).
Anthony Martial ayaa dhaliyay sideed gool 20 kulan uu ka soo muuqday dhammaan tartamada isagoo bar bareeyay goolashii uu dhaliyay 42-kulan xilli ciyaareedkii tagay.
Lukaku ayaa dhaliyay hal gool oo qura 11-kii kulan ee ugu dambeeyay, kaddib markii uu dhaliyay 11-gool 10-kii kulan ee ugu horreeyay uu ka soo muuqdo kooxda.
Safafka Macquulka ah ee Arsenal vs Man United:
Gool FM.