(Spain) 02 Dis 2017. Barcelona oo u jeedkeedu yahay inay iska ilaaliso dhibco kale oo ka kulma kaddib bar barihii ay la soo gashay Valencia ayaa Camp Nou ku soo dhaweynaysa Celta Vigo.
Wararka Labada dhinac:
Gerard Pique ayaa dib uga soo laaban doona ganaax kaddib markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay.
Paoulinho ayaa loo doorbidi doonaa dhanka midig ee qadka dhexe.
Maadaama uu maqan yahay Nelson Semedo, Aleix Vidal ayaa buuxin kara garabka midig ee daafaca iyadoo sidoo kale la dooqan karo Sergi Roberto maadaama uu dhaawac ka soo laabtay.
Jonny ayaa ka maqnaan doona kooxda martida ah kaddib markii uu qaatay kaarkii shanaad ee jaalaha.
Facundo Roncaglia ayaa ku soo bilaaban kara garabka bidix ee daafaca, maadaama uu kulanka ka wayn yahay Diego Pampin marka loo eego khibradiisa.
Andreu Fontas ayaa daafaca dhexe ka badeli kara Sergi Gomez oo dhaawac ku maqan, iyadoo ay u badan tahay in tababare Unzue uusan sameyn doonin isbadel badan.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Barcelona vs Celta Vigo ( La Liga)
Goobta: Nou Camp
Goorta: 3:00 galabnimo
Garsoorka: Mario Melero (Spain)
Xaqiiqooyinka kulanka:
Barcelona ayaa guulo gaareysay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay La Liga ay mininkeeda ku ciyaarto.
Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan 2-gool 18 kii kulan ugu dambeeyay La Liga ay garoonkeeda ku ciyaarto.
Barcelona ayaa dhalineysay isku cel celis 2.5 gool 10 ka mid ah 12 kii kulan ee ugu dambeeyay ay la ciyaarto Celta Vigo dhammaan tartamada.
Barca ayaa ugu yaraan 3 gool dhalineysay 5 ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay ay garoonkeeda kula ciyarto Celta Vigo dhammaan tartamada.
Barcelona ayaa guul gaareysay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ay garoonkeeda kula ciyarto Celta Vigo dhammaan tartamada.
Celta Vigo ayaa laga dhalinayay ugu yaraan labo gool sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee ku soo ciyaarto garoonkeeda banaankiisa La Liga.
Safafka Macquulka ah ee Barcelona vs Celta Vigo:
Gool FM.