Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Kaddib Roosihii xalay, Paul Pogba oo xarash u haya laacib ka tirsan Arsenal

$
0
0

Referee Andre Marriner shows a red card to Manchester United's French midfielder Paul Pogba (2L) for his challenge on Arsenal's Spanish defender Hector Bellerin during the English Premier League football match between Arsenal and Manchester United at the Emirates Stadium in London on December 2, 2017.  / AFP PHOTO / IKIMAGES / Ian KINGTON / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 45 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications.IAN KINGTON/AFP/Getty Images

(England) 03 Dis 2017. Jose Mourinho ayaa sheegay in Paul Pogba uu u careysan yahay oo uu xarash u hayo daafaca Arsenal oo ay wadaagaan dhalashada xulka Faransiiska Koscielny kaddib markii uu ka qeyb qaatay Roosihii loo taagay xalay.

Xiddiga qadka dhexe ee Man United ayaa door muhiim ah ka ciyaaray dheeshii xalay ay kooxdiisu 3-1 uga adkaatay Arsenal.

Pogba oo isagu dhiibay labadii gool ay dhaliyeen Antonio Valencia iyo Jesse Lingard ayaa ka maqnaan doona Red Devils saddexda kulan ee soo socota oo uu ka mid yahay kulanka usbuuca soo socda ee Derby Manchester ay ku wajahayaan hogaamiyayaasha Man City.

pg

Garsoore Andre Marriner ayaa garoonka ka saary laacibkii hore ee Juventus kaddib markii uu ku istaagay Hector Bellerin mar ay ciyaartu ka harsanayd 15-daqiiqo, laakiin Mourinho ayaa sheeganaya in Pogba uu ka niyad jabsan yahay xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Koscielny kaa oo u muuqday inuu isku dayayo inuu saameyn ku yeesho go’aanka Garsooraha.

“Ma arkin,” Jose ayaa sidaa yiri mar wax laga waydiiyay qaladkii uu Roosaha ku qaatay Pogba.

Paul Pogba angry with Arsenal star following red card incident

“Xitaa dhankaas ma fiirineyn welina TV-ga kama daawan, waxaan ogahay uun inuu careysan yahay Pogba oo uu yare ka niyad jabsan yahay Koscielny. Kaddib fal celinta ceynkan uu muujiyay.

“Laakiin Pogba aad ayuu u careysan yahay maxaa yeelay qofkasta wuu ogyahay in Pogba uu yahay ciyaaryahan nadiif ah uuna lahayn u jeed uu ugu dhawaado kaarka cas.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles