(Manchester) 04 Dis 2017. Pep Guadiola ayaa wacad ku maray inuu Afar weerar la ciyaari doono kooxaha caadeysta inay Baska goosha ku horjaraan oo ay had iyo jeer difaactamaan.
Manchester City oo la ciyaari doonta usbuuca soo socda Manchester United ayaa isha ku heysa inay dhigto Rikoodh 14-kulan xiriir ah oo guul laga gaaro Premier League.
Guardiola ayaana u sheegay kooxaha qorsheynaya inay gadaal uun fadhiyaan uu ku geyn doono Weerar faraha looga gubto kaddib guushii soo daahday uu xalay ka gaaray naadiga West Ham oo wax badan isku dayday inay gadaal ku dhakadaan balse ugu dambeyn laga xareeyay labo gool.
“Maanta waxaan bartay inaan dhibaatooyinka ula tacaalo si ka duwan sidii hore,” Guardiola ayaa sidaa yiri.
“Sida caadiga ah ma ciyaarno labo weeraryahan iyo labo garbood, balse waan sameynay sidaa darteed waa cashar cusub. Sidaa oo kale waan u ciyaari karnaa.
“Qeybtii labaad markii uu weerarka noo joogay Jesus ciyaartooy badan ayaan ku heysanay diilinta ganaax, sidoo kale kulankii Southampton, ma aaminsaneyn inaan goolal dhalin doonno. Laakiin maanta waan aaminay.
“Marna ma aynaan jiyad jabin, waxaan aaminsanahay in wixii dhacay ay ahayd in kooxda naga soo horjeeda aysan dooneyn inay ciyaarto, waxay doonayeen uun inay difaactamaan iyagoo sugaya waqtigooda, ma xukumayo laakiin waa mid adag.
“Had iyo jeer waxay xerada ganaax ku heysteen 10 laacib, waxaan rajeynayaa in mustaqbalka ay kooxaha isku dayi karaan inay ciyaaraan oo aysan difaactamin laga yaabee inay sahlanaan doonto.
“Waxaan inbadan ka hadalnay inaan iska difaacno kubbadaha koornooyinka ka imaanaya, laakiin waa ay dhee-dheeraayeen, taa oo kale way dhici doontaa kulanka usbuuca soo socda ee ManUnited sidaa darteed waa inaan isku daynaa inaan yareyno goolasha ceynkaa ee naga dhalanaya.”.
Gool FM.