Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Kooxda Barcelona oo ku dhawaaqday dakhliga u soo xarooday 2017-18… (Miyey faa’iiday mise..?)

$
0
0

(Barcelona) 17 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday natiijada takhliga rikoorka kooxda ah ee u soo xarooday naadiga xilli ciyaareedkii 2017-18.

Kooxda ku guuleystay horyaalka La Liga ayaa shaaca ka qaaday in kooxda uu u soo xarooday dhakhli rikoor ah oo dhan 914 milyan oo euro oo u dhiganta 808.7 milyan oo gini, waxaana kooxda Barca ay faa’iiday 13 milyan oo euro oo dhiganta 11.5 milyan oo gini marka laga saaro lacagaha canshuurta ah.

Barcelona ayaa lacag rikoorka adduunka ah oo dhan 200.6 milyan oo gini kooxda Paris Saint-Germain kaga iibsiay weeraryahankeedii reer Brazil ee Neymar Jr xagaagii hore, laakiin markaas kaddib ayey jabiyeen suuqooda, waxaana ay sameeyeen labada saxiix ee Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho.

“Madaxda Barcelona ayaa sheegay in arrintaani ay noqonayso tallaabo horay loo qaaday, ayna ku doonayaan qorshadood ah inay ku garaan inay kooxda u soo xarooto dakhli dhan 1,000 milyan oo gini marka la gaaro sanadka 2021-ka.” ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Blaugrana oo lagu qoray website-ka naadiga.

Barca ayaa ku dhawaaqday 12 bilood ka hor ama sanadkii hore inay u soo xarootay lacag dhan 708 milyan oo euro oo u dhiganta 626.4 milyan oo gini, laakiin markii canshuurta laga saaray waxa ay faa’iiday 18 milyan oo euro oo u dhiganta 15.9 milyan oo gini.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles