(America) 02 Agoosto 2018. Chelsea ayaa guul darro Rigoorayaal ah kala kulantay dhigeeda Arsenal ciyaartii saaxiibtinimo ay xalay ku yeesheen Dublin, Tababaraha Cusub ee Chelsea Maurizio Sarri ayaana aad uga carooday maqnaanshaha Willian iyo Mar marsiyada uu la yimid.
Timo waynaha reer Brazil ayay ahayd inuu fasaxa ka soo laabto Jimcihii hore balse wuu soo laaban waayay sabab uu ku sheegay inuu ka dhacay Baasaboorkiisa.
Sheekadan ayaa ku soo aadeysa xilli laacibka lala xiriirinayo Manchester United iyo Real Madrid.
29-jirka ayaa la filayay inuu Shaxda ku soo biiro Arbacadii shalay, tababare Sarri ayaana ku qancin mar marsiyaha Willian ee ah in Baasaboorka ka dhacay dartii uu kooxda u soo xaadiri waayay waqtigii lagu balansanaa.
Sarri oo la waydiiyay sheekada Willian ayaa ku jawaabay: ”Waxaan doonayaa inaan isaga la kulmo ka hor inta aan ka jawaabin su’aalahan.
“Ma garanayo – Waxaan doonayaa inaan isaga la hadlo.
“Kuma Faraxsani xaaladan laakiin ka hor inta aan jawaab bixin waxaan jeclaan lahaa inaan isaga la hadlo.”
Chelsea ayaa markii hore ka cabsi qabtay in Willian uu maro wadadii Diego Costa oo ay Saaxiibow dhow yihiin kaa oo dib ugu soo laaban waayay kooxda ilaa markii dambe laga iibiyay Atletico Madrid kaddib markii uu u safray Brazil xilli ay kooxdu isku dhacsanaayeen. Waxaana cabsida ku sii kordhiyay Blues inay labada laacib saaxiibtinimadooda ka suke ay wadaagaan hal Wakiil.
Gool FM.