Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ma maqashay SHARADKA Yaabka leh ay wada galeen Maxamed Saalax iyo Weeraryahanka Southampton ka hor kulankooda Galabta!!

$
0
0

(England) 22 Sab 2018. Liverpool iyo Southampton ayaa Galabta ku balansan kulan ka tirsan Premier League laakiin ma maqashay Sharadka ay wada galeen Weeraryahanada labada kooxood.

Weeraryahanka Southampton ee amaahda uga soo tagay Liverpool Danny Ings ayaa saaxiibkii Maxamed Sharad kula galay inuu kal ciyaareedkan ka goolal badnaan doono.

Sharadka ay wada galeen ayaa ah haddii laga goolal badnaado Weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Roma uu  Danny Ings u kaxeyn doono Safar damaashad ah uu ku tagayo Ahraamta Masar.

Haddii laga guuleysto Danny Ings  isna wuxuu coffee u iibin doonaa Maxamed Saalax.

Weeraryahanka amaahda ugu soo tagay Reds ayaa iminka leh saddex gool halka laacibka reer Masar uu leeyahay labo gool.

Image result for GOAL KING Danny Ings bets Mo Salah he’ll score more than Liverpool ace this season… and win holiday to Egypt

Saalax ayaase heysta fursad uu ku dhaafi karo Ings kulanka galabta waayo ma ciyaari doono laacibka maadaama kooxda uu amaahda ugu joogo ay wajahayso naadigiisa Liverpool.

“Maxamed Saalax inbadan ayuu I caawiyay markii aan joogay Liverpool waxaana is dhaafsanay fariimo yar, ” 26-jirka ayaa sidaa yiri.

“Wuxuu igu yiri, ‘Aan argno midka dhalin doona goolasha ugu badan’ waana ku qoslay.

“Maxamed Saalax waa mid ka mid ah xiddiga ugu fiican adduunka. Aad ayuu ugu dhaartaa oo uu u jecelyahay dalkiisa sidaa darteed waxaan iri haddii aan sharadka ku guleysto inuu ii suuro galiyo fasax aan ku tagayo Masar, laakiin haddii uu isagu guuleysto waxaan u iibinayaa Coffee!”

Waa sharad aan isku dhigmin, malaha waxay ka dhigan tahay inaysan suuro gal ahayn inuu ka goolal badnaado laacibka reer Masar oo isagu Rikoodh ah ku qaaday gool dhalinta horyaalka Premier League kal ciyaareedkii tagay 32-gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles