Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Messi nama soo gaari karo waayo wuxuu leeyahay Hal Farsamo oo kaliya.”.- Kabtanka Barcelona oo si Xun dhulka loola galay

$
0
0

(Europe) 06 Dis 2018. Lionel Messi waxaa lagu tilmaamaa laacibkii ugu fiican ebid ee soo mara kubbada cagta isagoo ku guuleystay 5- Ballon d’Or isla markaana dhigay rikoodho iyo goolal aan xisaab lahayn.

Balse halyeygii hore ee kubbada cagta Pepe ayaa diiday in isaga iyo Maradona lala bar bar dhigo xiddiga reer Argentina isagoona tilmaamay inay aad uga fiican yihiin maadaama uu leeyahay hal farsamo oo kaliya.

Pele ayaa aaminsan in 31-jirka kabtanka u xirta Barcelona uu aad ugu tiirsan yahay lugta bidix oo kaliya halka isaga iyo Maradona ay meeshey doonaan goolka ku dhalin jireen.

Picha inayohusiana

Rugcadaaga dhaliyay 1000 gool intii uu ku guda jiray kubbada cagta ayaa yiri mar uu u waramayay Folha de Sao Paulo.

“Sidee iskula bar bardhigi kartaan xariif kubbada si fiican u madaxeyn kara, isla markaana ku laadi kara Midig iyo Bidix iyo mid kale oo kubbada ku shuudi kara hal lug oo kaliya, wuxuu leeyahay hal farsamo oo kaliya kubbadana si fiican uma madaxeyn karo.

“Sidee iskula bar bardhigi kartaa? sidee Pele ula meel dhigi kartaa, waa qof si fiican midig iyo midix ugu shuudi kara kubbada, isla markaana goolal ku dhalin kara madaxa.

Diego Maradona Lionel Messi Argentina Split

“Maradona wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka. Haddii aad i waydiiso, ‘Miyuu ka fiicanaa Messi? Haa, wuu ka fiicnaa waliba si aad ah ayuu uga fiicnaa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles