(London) 26 Agoosto 2016. Manchester City ayaa guul ciriiri ah ka gaartay kooxda Bournemouth oo ay ku martay 2-1.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1.
AFC Bournemouth ayaa si qurux badan ku bilaabatay kulanka taa oo keentay inay helaan gool aad u cajiib ah.
Kubbad uu iska soo bixiyay kabtanka Vincent Kompany ayaa waxay u tagtay Daniels oo say tahay laad kulul u soo qabad siiyay isla markaana shabaqa ka dhigay halka sare daqiiqadii 13-aad.
Laakiin wax yar kiddib daqiiqadii 21-aad Man City ayaa goolka iska soo guday waxaana u saxiixay da’yarkooda Gabriel Jesus.
Manchester City ayaa qalad loo dhigay durba boobsiisay, Silva ayaana dhex ka tuur fiican u fara galiyay Jesus oo sina daba mariyay goolhaye Begovic.
Goolka uu dhaliyay weeraryahanka reer Brazil ayaa ka dhigan inuu ku lug leeyahay 12-gool 11 kulan oo lagu soo bilaabay Premier League, 8-gool iyo 4-caawin.
Dhammaadka ciyaarta daqiiqadihii lagu daray ayay Manchester City goolka guusha ka heshay Raheem Sterling kubbad uu soo caawiyay Sergio Aguero.
Xiddiga reer England ayaa dabaal degga goolka ku qaatay kaarka cas maadaama uu qabay jaale hore, wuxuuna goolka uga dhignaa inuu kooxda Bournemouth goolal ka dhalinayay markasta uu uga horyimaado Premier League 6-gool.
SAWIRRO:
Gool FM.