Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Real Madrid oo wajaheysa mashaqo dhanka daafaca dhexe

$
0
0

rel

(Madrid) 26 Agoosto 2017. Real Madrid ayaa wajaheysa dhibaato dhanka daafaca ah xilli ay berito horyaalka La Liga la ciyaareyso kooxda dhibka badan ee Valencia.

Los Blancos oo uu horey uga maqnaa Sergio Ramos maadaama uu kaarka cas qaatay ayaa misane waxaa la sheegayaa inuu maqnaan doono Raphael Varane.

Zidane oo ka hadlay xaalada Varane oo maanta seegay tababarka ayaa sheegay in laacibku doonayo inuu ciyaaro balse aysan khatar galin doonin isla markaana uusan ciyaari doonin.

Waxay tani la micno tahay in Real Madrid ay daafaca dhexe u heysato oo quran Nacho, Zidane ayaa Casemiro ka ciyaarsiin doona daafaca ama kooxda yar yar ka soo wadi doona Alvaro Tejero iyo Manu Hernando.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles