(Roma) 29 Agoosto 2017. Patrik Schick ayaa soo gaaray garoonka dayuuradaha ee Fiumicino si uu u dhammeystiro heshiiska uu kaga soo tagayo Sampdoria uguna soo biirayo kooxda AS Roma.
Waxaa la xaqiijiyay horaantii shalay ina labada kooxood ay isku af garteen heshiis la aaminsanyahay inuu yahay mid amaah ah oo leh dooq ay Roma xagaaga soo socda ku iibsan karaan 38 milyan oo euro.
Weeraryahanka reer Czech ayaa xalay soo gaaray caasimadda Talyaaniga isagoo xiran qoor gashi Roma ah iyadoo ayna soo dhaweeyeen taageerayaal.
Maanta ayaa lagu wadaa inuu tjiaabada caafimaad maro ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin Roma.
SAWIRRO+MUUQAAL:
Amazing scenes at the airport as Patrik #Schick lands in Rome ❤️
#ASRoma pic.twitter.com/jdntcNEQPV
— AS Roma English (@ASRomaEN) 28 August 2017
Gool FM.