![citty]()
(England) 16 Dis 2017. Man City ayaa u hanqal taageysa guushii 16-aad oo xiriir ah Premier League si ay kor ugu sii qaato Rikoodhkeeda kooxda gaartay guulihii ugu badnaa ee is xiga.
Wararka Labada dhinac:
Manchester City ayay u badan tahay inay dib ugu yeerto Leroy Sane iyo Kyle Walker, iyadoo daafaca reer England uu markiisii ugu horreysay tartan rasmi ah ka hor iman doono kooxdiisii hore.
Daafacyada Vincent Kompany, John Stones iyo Benjamin Mendy ayaa dhaawac ku wada maqan.
Daafaca dhexe ee Tottenham Davinson Sanchez ayaa dhammeystiranaya saddex kulan oo ganaax ah.
Dele Alli iyo Mousa Dembele ayaa la arkaa inay dib u soo laabtaan kaddib markii la nasiyay kulankii dhawaa halka Ben Davies iyo Kieran Trippier laga yaabo inay kulanka ka soo muuqdaan waa haddii ay Spurs sii wado isku shaandheynta ciyaartoydeeda.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Man City vs Tottenham (Premier League)
Goobta: Etihad Stadium
Goorta: 8:30 Habeenimo
Garsoorka: Craig Pawson (England)
Kulamada Waji ka Wajiga:
Man City ayaa guul gaarin 4-kulan ay Premier League ku wajahday Spurs (3-guul daro iyo Bar baro) tan iyo afar kulan oo xiriir ah ay ka gaartay intii u dhexeysay November 2013 ilaa May 2015.
Tottenham ayaa guuleysatay 10 kulan oo Premier League ay bannaanka kula soo ciyaartay Manchester City waa in ka badan inta ay ka gaartay koox kasta oo kale.
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Rikoodhka 15-ka guulo oo xiriirka ah ay Man City ka sameysay Premier Leauge ayaa kaalinta saddexaad ugu jirta waayaha Guardiola maadaama uu Barcelona ku soo gaaray 16-kulan oo guulo xriiir ah 2010-11 halka uu Bayern Munich ku soo gaaray 19 guul oo xiriir ah 2013-14.
Man City ayaa dhalineysay goolka guusha 83-daqiiqo ama waxa ka dambeeya kulan kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka iyo Cup ay garoonkeeda ku ciyaareysay.
Sergio Aguero ayaa hal gool uun u jira goolkiisii 100-aad uu Etihad Stadium ku dhaliyo dhammaan tartamada. Wuxuu soo dhaliyay 99-gool 133 kulan uu ku ciyaaray garoonkooda.
Aguero ayaa dhaliyay 35 jeer 52 kulan oo Premier League ka hor yimid lixda koox ee ugu waa wayn, iyadoo goolasha uu dhaliyay ay matalayaan 29% 119-ka gool ay Man City dhalisay kulamadaasi waa wayn.
David Silva ayaa afar gool dhaliyay saddexdii kulan ee ugu dambeysay, isagoo goolashiisa sare ugu qaaday ilaa 8-gool sanadkan Premier League.
Tottenham ayaan guul gaarin kulamada Bannaanka ee Premier League tan iyo markii ay garaaceen Huddersfield bishii September, hal dhibic oo qura ayay ka heleen afar kulan.
Intii uu xilka u hayay Mauricio Pochettino, Spurs ayaa guul gaartay hal kulan oo qura 17-kulan ay bannaanka kula ciyaaartay 6-da koox ee waa wayn Premier League (10-guul darro iyo 6 bar baro) guusha kaliya waxay ka gaareen Manchester City February 2016.
Harry Kane ayaa dhaliyay todobo gool Premier League todobo kulan uu bannaanka ku soo ciyaaray kal ciyaareedkan.
Kane ayaa dhaliyay sanadka 2017. 33-gool 33-kulan, saddex gool ayuu u jiraa inuu bar bareeyo Rikoodhkii Alan Shearer uu 36-da gool ku dhaliyay sanadkii 1995.
Safafka laga yaabo inay ku soo galaan Man City vs Tottenham:
![city]()
Gool FM.