Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Eden Hazard oo fariintan u diray Manchester City

$
0
0

hz

(London) 29 Okt 2017. Eden Hazard ayaa xalay guul ku hogaamiyay Chelsea kaddib markii uu dhaliyay goolka qura ay kaga adkaadeen Bournemouthm

Manchester City ayaa sidoo kale ka adkaatay West Brom kulankii ay shalay wada yeesheen.

Kooxda ka arrimisa Etihad Stadium ayaa iminka sagaal dhibcood ka sarreysa Blues kala sarreynta Premier League.

Chelsea Eden Hazard Premier League

Laakiin Hazard ma aaminsana inay howsha isku dhammaatay oo wuxuu taagan yahay faanoole fari kama qodna.

“Xilli ciyaareedku wuu dheeryahay, marna ma garan kartid waxa dhici kara,” Hazard ayaa sidaa ku warbixiyay.

“Hogaanka ayay hayaan si fiicana way u ciyaarayaan oo goolal badana way dhalinayaan laakiin waxaa harsan kulamo badan, waan arki doonnaa dhammaadka xilli ciyaareedka.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles