(Madrid) 07 Nof 2017. Kubbad qaabeeyaha Real Madrid Toni Kroos ayaa ku biiri doono ciyaartoy la doortay oo Filim laga sameyn doono noloshooda.
Duubista Filimka ayaa bilaaban doonta bisha December ee soo socota.
Laacibka reer Germany oo arrinkan la dhacsan isla markaana u warbixinayay jariiradda BILD ee ka soo baxda dalkiisa ayaa yiri:
“Waxaa ila soo xiriiray Agaasime Leopold.
“Muuqaalada qaar horaaba loo duubay si tijaabo ahaan, waana ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo ciyaartooy yar oo noloshooda Filim laga sameynayo.”.
Gool FM.