(World) 10 Nof 2017. Tababare Arsene Wenger ayaa sheegay in haddii aad jeceshahay kubbada cagta aad sidoo kalena jeceshahay inaad daawato Lionel Messi.
Koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka ayaa qarka u fuulay inuu ka soo qeyb gali waayo xulka Argentina oo uu u safto laacibka ugu fiican kubbada cagta kaddib rajadooda oo aad u liidatay.
Hase ahaatee kulankii ugu dambeeyay ee Nolsohooda ku xirnayd ayaa waxaa u istaagay geesigooda Messi oo dhaliyay saddexda gool ay uga adkaadeen Ecuador.
Tababare Wenger ayaa sheegay inuu aad u murugeysanaan lahaa haddii uu Messi ka hari lahaa koobka adduunka.
“Shaqsi ahaan aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko Messi oo aadaya koobka adduunka,” Wenger ayaa sidaa u sheegay bogga rasmiga ee Arsenal.
“Haddii aad jeceshahay kubbada cagta waxaad jeceshahay inaad daawato Lionel Messi, haddii aad jeceshahay kubbada cagta waxaad kaloo jeceshahay xulka Argentina, had iyo jeer waxay hestaan weeraryahano heer sare ah.
“Isku soo wada duuboo, waan murugeysanaan lahaa haddii Argentina uu ka hari lahaa koobka adduunka.
Gool FM.