(World) 15 Nof 2017. Warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in Mareykanka uu wado qorshe uu Talyaaniga iyo xarfaanta ka hartay koob Adduunka ugu sameynayo Koob lagu jabinayo dhacdada ugu wayn kubbada cagta adduunka.
Talyaaniga, Holland, Ghana, Cheli waa xulal waa wayn oo dhammaan caadeystay inay ka qeyb qaataan tartanka ugu wayn kubbaa cagta caalamiga balse ku guul darreystay inay u soo baxaan Koobka Adduunka ee na soo aadan.
ESPN ayaa sheeganaya in ilo wareedyo laga helayo xiriirka kubbada cagta Mareykanka iyo midowga suuq geynta kubbada cagta ay xaqiijiyeen inay jiraan qorshooyin dhab ah oo kulamo saaxiibtinimo lagu qabanayo cariga wayn ee USA.
Waxay ka qeyb qaadan doonaan ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka iyo kaddib marka uu dhammaado horyaalada Maxaliga.
Talyaaniga ayaa ka haray koobk adduunka markii ugu horreysay 59-sano kaddib, halka Mareykanka uu ku guul darreystay inuu u soo boxo markii ugu horreysay tan iyo 1986.
Holland iyo Ghana ayaa qeyb ka ahaa koobkan tan iyo daabacaadii 2002, Chile ayaa ku soo guuleystay Copa America balse ku guul darreystay inuu u soo boxo Koobka Adduunka.
Xulalka kale ee seegaya dhacdada ugu wayn ciyaaraha ayaa ka mid ah Ivory Coast, the Republic of Ireland, Northern Ireland iyo Slovakia.
Gool FM.