Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ronaldo oo aaminsan inuu Messi ka maseeray isla markaana qaaday talaabadiisa oo kale!!

$
0
0

crr

(Europe) 23 Nof 2017. Lionel Messi ayaa la nasiyay kulankii xalay ay Barcelona bar baraha 0-0 la gashay Juventus Champions League laakiin Ronaldo wuxuu aaminsan yahay in isaga lagaga dayanayo sheekadaas.

Xiddiga reer Argentina ayaa loo nasiyay kulanka soo socda ay La Liga la yeelan doonaan Valencia oo kaalinta labaad ku jirta.

Tababare Ernesto Valverde ayaa sheegay in Messi keydka lagu soo bilaabay sababo daal badan uu qabay maadaama uu kulamo badan ciyaaray balse Ronaldo ayaa si kale u arka.

mesii

Xiddiga Real Madrid ayaa aaminsan in Barcelona ay Koobiyeeneyso ama ku dayaneyso xeeladihiisa ee kal ciyaareedkii la soo dhaafay.

Zidane ayaa kulamada qaar nasiiyay Ronaldo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taa oo miro dhashay maadaama ay Los Blancos ku guuleystay horyaalka iyo Champions League.

Warsidaha Diario Gol ayaa sheegaya in  Ernesto Valverde uu qaatay isla go’aakaas oo kale isla markaana uu nasiiyay Messi.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles