Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Magaalada Muqdisho oo Caawa marti galineysa kulan Ciyaareed Xiiso leh

$
0
0

nani

(Muqdisho) 24 Nof 2017. Kulan xiiso badan ayaa caawa ka dhici doona garoonka Banadir Stadium kaa uu u dhaxeeya Kooxda ka socota magaalada Melbourne ee dalka Australia iyo Xidigaha matalaya Gobolka Benaadir.

Ciyaartan ayaa ah mid Saaxiibtinimo uu lagu soo dhaweenayo kooxda Melbourne taa uu kulamo kala duwan la soo yeelatay Degmada Waabari oo 3-2 ugu soo adkaatay iyo Naadiga Banadir Sports Club oo ay guul daro 2-1 kala soo kulantay.

kulankeeda 3-aad ayay caawa la ciyaari doontaa Wiilasha Gobolka Benaadir.

Xidigaha Gobolka Benaadir ayaa sanadkan isku diyaarinaya Tartanka Maamul Goboleedyada kaa oo ka furmi doona Magaalada Kismaayo Bisha soo aadan.

Wiilasha Gobalka Banaadir ayaa kulankii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo la ciyaaray Xidigaha Banaadir SC 11-October waxaana labada dhinac ku kala baxeyn barbaro 2-2.

Sida uu inuu xaqiijiyay Gudoomiyaha Sportiga Gobolka Benaadir Mudane Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish in ciyaartan la dheeli doono caawa saacada markii tahay 6:30, waana Markii labaad ee Habeen la ciyaarayo tan iyo Bur burkii waxaana tani suurta galiyay Maamulka Gobolka haba ugu horeeeyee Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Abdi Mohamed iyo Guddoomiya Ciyaaraha Gobolka Benaadir Mudane Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiisha.

Tani waxey dhiira galin u tahay Xidigaha ka imaaday Wadanka Australia iyo kuwa Jacel in ay mar uun soo booqdan magaalada Muqdisho.

Ogeysiis Kulanka:

Kooxaha: G/Benaadir vs Melbourne

Kulanka: Saaxiibtinimo

Garoonka: Banadir Stadium

Saacad: 6:30 Fiidminimo.

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles