(England) 25 Nof 2017. Tababare Antonio Conte ayaa qishay in laga yaabo in ka nasiyo Fabregas kulanka ay caawa ku wajahayaan Liverpool.
Laacibka reer Spain ayaa lagu soo bilaabay 16 ka mid ah 19 kulan oo la ciyaaray ilaa iminka kal ciyaareedkan kaddib markii uu door yar ku lahaa xilli ciyaareedkii tagay kolkaa ay Chelsea ku guuleystay Premier League.
“Xilli ciyaareedkii tagay waxaa laga yaabay inuusan u qalmin in lagu soo bilaabo kulamada laakiin iminka wuxuu u qalmaa inuu si joogta ah u ciyaaro,” Conte ayaa sidaa yiri.
“Isla waqtigaana waxaan fahansanahay inuu u baahan yahay nasiino maxaa yeelay wuxuu ciyaarayaa kulan kasta.
“Iminka waxaan heystaa afar laacib qadka dhexe oo qaab ciyaareed fiican ku jirta waxaana doonayaa inaan sameeyo isku shaandheen.
Gool FM.