(Madrid) 30 Nof 2017. Gareth Bale ayaa lagu wadaa inuu kulan kale oo Real Madrid ah dhaawac ku seego kaddib jug ka soo gaartay kubka.
Xiddiga reer Wels ayaa labo bilood uu dhaawac ku maqnaa kaddib dib u soo laabtay ciyaartii dhaweyd ee Copa del Ray iyadoo ay bar baro 2-2 la galeen kooxda yar ee Fuenlabrada, laacibka ayaana saameyn wayn la soo laabtay maadaama uu labada goolba isaga caawiyay.
Yeelkeede, wuxuu kulanka dhammeystay isagoo qaba dhaawac gumaarka ah wuxuuna seegi doonaa kulanka ay Los Blancos la yeelan doonto Athletic Bilbao usbuuca soo socda.
Uma badna in dhaawacan uu waqti dheer garoomada uga maqnaan doono iyadoo ay kooxda rajeynayso inay daqiiqado ka ciyaarsiyaan kulanka Champions League ay arbacada booqan doonaan Borussia Dortmund.
Laakiin sheekad ayaa dhabar jab ku ah laacibka kaa oo ay soo mareen xilli ciyaareedyo badan oo uu joogta u ciyaari waayay.
Gool FM.