Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“War ku aaway, halkee ku dhuumatay.”. – Higuain uu ku digtay Madaxwaynihiisii hore

$
0
0

DP_QJeCW0AExjJ1

(Napoli) 02 Dis 2017. Gonzalo Higuain ayaa ku digtay madaxwaynihiisii hore ee Napoli kaddib markii uu xalay dhaliyay goolka madiga ah ay kaga adkaadeen hogaamiyayaasha horyaalka Serie A.

Dhaliyaha reer Argentina ayaa dhaliyay goolkiisii shanaad, 5-tii kulan ee ugu dambeysay uu ka horyimid Napoli, waa kooxdii uu uga soo tagay adduun dhan 90 milyan oo euro si uu ugu soo biiro Juventus.

Higuain ayaa marar badan horey u caddeeyay xiriirka xun ee kala dhaxeeya madaxwayne De Laurentiis kaa oo ku sheegay inuu sabab u ahaa ka soo tagistiisii kooxda.

 Juve frontman Gonzalo Higuain enjoys his breakthrough moment against Serie A leaders  Napoli

Laacibka ayaa sameeyay dabaal deg sida qof baadi raadinaya, wuxuuna sheegay sirta ka dambeysa inuu ceynkaa u dabaal dego kulankii xalay.

“Waxaan raadinayay Aurelio De Laurentii laakiin waan arki waayay, laga yaabee inuu dhuuntay.”. Higuain ayaa sidaa u sheegay Sky Sport Italia.

Inkastuu xiriir xun kala dhaxeeyo De Laurentii, Higuain ayaa si shaacsan u sheegay xiriirka wacan ee kala dhexeeya tababaraha Napoli Maurizio Sarri oo uu ku sheegay inay sharaf u noqon doonto haddii uu mar uun la midoobo.

Guushii xalay ayaa Juve uga dhigan inay hal dhibic uun  u jirto hogaamiyayaasha Napoli, balse Inter Milan ayaa hogaanka la wareegi karta waa haddii ay axada ka soo adkaato Chievo.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles