(London) 02 Dis 2017. Sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Jarmalka naadiga Chelsea ayaa safkeeda hore ku heysan karta Saddex Hazard.
Eden Hazard oo 26 jir ah ayay u shidan tahay Stamford Bridge halka 22-jirka la dhashay ee Kylian uu bishii Agoosto ku soo biiray kooxda 23-jirada ka yar ee Blues.
Waxay taa la micno tahay si ay u midoobaan walaahaha reer Hazard uu ka maqan yahay uun Thorgan Hazard oo 24-jir ah kaa oo Blues ka tirsanaa 2012 ilaa 2015 balse iminka wacdaro ka dhigaya naadiga Borussia Monchengladbach.
Jariiradda Bild ee ka soo baxda Jarmalka ayaa sheegtay in Chelsea aysan marna joojin inay shiishka ku heyso Thorgan kaa oo dhaliyay 5-gool 13 kulan uu ka soo muuqday horyaalka Bundesliga kal ciyaareedkan.
Chelsea ayaa horey u caddeysay inaysan khalad u arkin inay dib u soo iibsato xiddigo ay markii hore iska iibisay kaddib markii ay soo ceshatay David Luiz, Didier Drogba iyo Nemanja Matic.
laakiin su’aasha taagan ayaa ah sidee loo kala safi doonaa haddii ayba dhacdo inay ka soo wada muuqdaan safka Chelsea maadaama ay ka wada ciyaaraan qadka dhexe ee weerarka.
Gool FM.