(Mancehster) 03 Dis 2017. Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay iminka aaminsan tahay inay koox kasta ku garaaci karto goob kasta.
City ayaa durba guulo ka gaartay kooxda xafidaneysa Premier League ee Chelsea, Liverpool iyo Arsenal, sidoo kale waxay horey iyo gadaal u martay Napoli tartanka Champions League.
Pep Gardiola ayaa aaminsan in guulihii soo daahay ee is xigay ay ka gaareen Feyenoord, Huddersfield iyo Southampton ay sare u qaaday kalsoonida kooxdiisa.
“Kalsoonida aan heysano awgeed, waxay ciyaartoydeenu aaminsan yihiin inay howsha cabi karaan ilaa laga gaarayo dhammaadka,” Guardiola ayaa sidaa yiri.
“Guushii aan mininkeena uga gaarnay Liverpool, guushii Stamford Bridge, tii Napoli iyo Shakhtar waxay ku siinayaan kalsooni. Dabcan Kalsooni dhar la’aan ah ma shaaqeynayso, laakiin waa inaad aragtaa, Rumeysaa aadna dareentaa.
“Iminka waxaan heysanaa dareenkaas, meelkasta oo aan aadno, cidkasta oo aan la ciyaarno inaan karno inaan ka guuleysano. Taasina waa talaabada ugu horreysa si loo gaaro dhammaadka tartanka laguna dagaalamo sidii loogu guuleysan lahaa Horyaalka.”.
Manchester City oo caawa fiidkii la ciyaari doonta West Ham ayaa guul daro amaba bar-baro ay gasho ku noqon doonta dhibaato wayn maadaama ay usbuuca soo socda la ciyaari doonaan kooxda ceyrsaneysa ee Man United oo guul ka soo gaartay Arsenal.
Gool FM.