(England) 04 Dis 2017. Kevin De Bruyne ayaa markale muujiyay macallinimadiisa dhanka caawinta ciyaartii xalay ay 2-1 uga adkaadeen naadiga West Ham.
Kulanka oo ah 1-1 isla markaana Man City laga galay daafac aan caadi ahayn ayuu wiilka reer Belgium caawiyay fursad uu ka faa’iideeyay Silva.
Guusha ay gaareen wiilasha Guardiola ayaa ka dhigan inay soo bar bareeyeen Arsenal iyo Chelsea ee guulaha xiriirka Premier League 13-guul.
Waa Sax Ozil waa laacib ku caan ah caawinta, balse tan iyo sidii uu De Bruyne u yimid Man City ma jiro laacib ka caawin badan iska dhaaf Premier League xitaa 5-ga horyaal ee ugu wayn Yurub.
35 – Since his debut for @ManCity in September 2015, Kevin De Bruyne has made more league assists than any other player in the Top 5 European Leagues. Architect. pic.twitter.com/tOjO95gljw
— OptaJoe (@OptaJoe) December 3, 2017
Tan iyo sidii uu u yimid Etihad Stadium 2015-kii, 26-jirka ayaa sameeyay 35-caawin Premier League waana in ka badan laacib kasta oo kale 5-ta horyaal ee ugu wayn qaarada Yurub.
Gool FM.