(Europe) 04 Dis 2017. Sidaan horey idin kugu balan qaadnay waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ay Jariiradaha ka qoreen xanta Suuqa kala iibsiga maadaama lagu dhow yahay Bisha Janaayo oo uu dib u furmayo Suuqa.
Haddaba aqriso Xanta Suuqa iyo wixii ay Saakay Wargeysyada ka qoreen:
Macallinka Everton Sam Allardyce ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa Janaayo ka dhigtay dhaliyaha Watford Troy Deeney, 29-jir. (ESPN)
Sidoo kale, Allardyce ayaa sheegay rabitaankiisa ku aadan inuu kooxda ku sii hayo Ross Barkley, 23-jir, laakiin wuxuu qishay in xiddiga qadka dhexe uu kooxda ka tagi karayo suuqa xagaaga. (Liverpool Echo)
Arsenal ayaa dooneysa inay la soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi, 28-jir, iyadoo laacibkii hore ee Blackburn iyo Stoke ay isku dheceen tababare Eduardo Berizzo. (AS, via Sun).
Dhaliyaha Newcastle United Aleksandar Mitrovic, 23-jir ayaa janaayo dib ugu laaban karaya Anderlecht iyadoo ay sii socdaan jahwareerka ka heysta kooxda. (Nieuws Blad, via Chronicle)
Everton, West Ham iyo Swansea ayaa lagu wadaa inay Janaayo ku wada dagaalamaan saxiixa daafaca Augsburg ee Daniel Opare, 27-jir. (Mail)
Arsenal iyo Tottenham ayaa xiiseynaya saxiixa Dani Ceballos. 21-jirka ayaan ku faraxsanayn Real Madrid. (Calciomercato)
Leon Goretzka, 22- jir ee qadka dhexe kaga ciyaara Schalke iyo Jarmalka ayaa dhammaadk bisha Janaayo qorshooyinka mustaqbalkiisa u sheegi doona Manchester United, Arsenal iyo Barcelona oo wada xiiseynaya saxiixiisa. (Goal)
Tottenham ayaa isku diyaarineysa sidii ay dalab uga gudbin lahayd 20-jirka qadka dhexe ee weerarka kaga ciyaara naadiga Trabzonspor ee dalka Turkiga. (Sporx – in Turkish)
Naadiga Gremio ee ka dhisan Brazil ayaa u sheegtay Barcelona inay bixiyaan adduun dhan 50 milyan oo euro oo u dhiganta (44 milyan oo bound) lacagaha lagu bur burinayo qandaraaska xiddiga qadka dhexe ee Arthur, kaddib markii la soo sawiray 21 jirka oo xiran maaliyada kooxda Catalans ka. (RAC1, via Mail)
Dhaliyaha Arsenal Olivier Giroud, 31-jir ayaa u baahan inuu kulamo badan ciyaaro si uu uga soo muuqdo shaxda Faransiiska ee koobka Aduunka wuxuuna ka fikiri doonaa inuu heshiis amaah ah uga tago bisha Janaayo sida uu sheegayo caawiyaha macallinka xulka Farance. (Star)
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.