Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Antonio Conte oo Maamulka Chelsea u sheegay in Heshiisyo cusub laga saxiixo labadan laacib

$
0
0

COntee

(London) 04 Dis 2017. Antonio Conte ayaa ugu baaqay maamulka Chelsea inay heshiisyo cusub ka saxiixdaan Eden Hazard iyo goolhaye Thibaut Courtois oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aad ugu muhiim ah kooxda.

Qandaraaska uu Hazard kula joogo Blues ayaa waxaa uga harsan labo sano halka goolhaye Courtois ay uga harsan yahay hal sano oo qura.

Labada laacib ayaa waxaa lala wada xiriirinayaa naadiga faca way nee Real Madrid oo aad u dooneysa inay dib u habeen ku sameyso shaxdeeda.

Image result for Eden Hazard Real Madrid

“Haa, waxaan doonayaa inay heshiisyo cusub saxiixaan, waxaad ka hadleysaa labo ciyaaryahan oo waa wayn.” Conte ayaa sidaa yiri.

“Thibaut waa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican caalamka. Laga yaabee inuu yahay kan ugu fiican, intaa kaddibna waxaa jooga Eden Hazard.

“Kooxda way ogtahay muhimada ay leeyihiin labadan laacib oona ku faraxsan inay u ciyaaraan kooxdan.

“Aad ayaan u farxi doonaa marka ay helaan heshiiskan, kuwan waa labo ciyaaryahan oo waa wayn maxaa yeelay waxay heystaan waqti badan oo ay isku sii hor marin karan.

“Aad ayay u yar yihiin wax wayn ayayna noqon doontaa haddii aan sii heysano iyaga.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles