(Europe) 05 Dis 2017. Man United ayaa marti galineysa CSKA Moscow kulankeedii ugu dambeeyay ee wareega Group yada Champions League.
Wiilasha Jose Mourinho ayaa u baahan ugu yaraan hal dhibic si ay ugu soo gudubto wareega 16-ka iyadoo kaalinta koowaad ku jirta.
Wararka Labada dhinac:
Eric Bailly, Michael Carrick iyo Marouane Fellaini uma badna inay ka soo muuqdaan kulanka maadaama ay weli la dhibtoonayaan dhaawacyo, halka Zlatan Ibrahimovic uu la dhibtoonayo dib u dhac yar halisna laguma galin doono kulankan.
Phil Jones ayaa dib ugu soo laabtay tababarka waxaana laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto shaxda Jose Mourinho.
Macallinka reer Portugal ayaa xaqiijiyay in Paul Pogba iyo goolhaye Romero lagu soo bilaabi doono kulanka, laakiin Matic ayaa laga yaabaa in la nasiyo.
Juan Mata, Luke Shaw, Marcus Rashford, Daley Blind, Sergio Romero, Matteo Darmain, Scott McTominay iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa lagu wadaa inay ku soo bilowdaan.
Pontus Wernbloom iyo Bibras Natkho ayaa labaduba ganaax uga maqnaan doona CSKA Moscow taa oo dhabar jab wayn ku ah kooxda martida.
Aleksei Berezutski, Georgi Milanov iyo Georgy Schennikov ayaa ka wada dhaawacan camaaliqada Ruushka.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Manchester United vs CSKA Moscow (Champions League)
Goobta: Old Trafford
Goorta: 10:45 habeenimo
Garsoorka: Gianluca Rocchi (Italy)
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Red Devils ayaa 4-1 ku adkaatay marka ay labada kooxood ku kulmeen kulankii furitaanka wareega group yada.
Man United lagama adkaan shanta kulank ay ka hor timid CSKA, 3-guul iyo 2-bar baro.
Rikoodhkeeda Old Trafford waa ha guul iyo hal bar baro.
Rikoodhka Man United ee guud ahaan kooxaha Ruushka waa 4-guul, 7-bar baro iyo guul darro, 12 kulan ay la ciyaartay, lagama adkaan shan kulan ay garoonkeeda kula ciyaartay, 2-guul iyo saddex bar bar.
Guul darada kaliya ee kaga timid kooxaha Ruushka ayaa waxaa biday FC Zenit finalkii Super Cup ee ka dhacay neutral venue ee Monaco.
CSKA ayaa guul darreysatay 10 kulan, 18 kulan ay ka hortimid kooxaha Ingiriiska , 3-guul iyo 5- bar baro. Mid ka mid ah guulaheeda ayaa yiimid intii lagu guda jiray sideed jeer ay booqtay Ingiriiska, 3-bar baro iyo 4-guul daro.
Safafka Macquulka ah inay ku soo galaan Manchester United vs CSKA Moscow:
Gool FM.