(Europe) 05 Dis 2017. Chelsea oo kol hore xaqiiqsatay booskeeda 16 ka Champions League ayaa mininkeeda ku marti qaadeysa Atletico Madrid balse weli guul ayay u baahan tahay si ay ugu soo baxdo kaalinta koobaad.
Kooxda reer Spain ayaa ku soo bixi karta guul balse waxay ku xiran tahay natiijada ka soo baxda Roma iyo Qarabag.
Haddii ay soo adkaato naadiga reer Talyaani ee Roma, waxba ma tari doonto guusha Atletico Madrid oo way ka hari doontaa tartanka.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Chelsea vs Atletico Madrid (Champions League)
Goobta: Stamford Bridge
Goorta: 10:45 habeenimo
Garsoorka: Danny Makkelie (Netherlands)
Wararka Labada dhinac:
David Luiz, Kenedy iyo Michy Batshuayi ayaa la filayaa inay seegaan kulanka.
Pedro iyo Willian ayaa ku dagaalami doona in lagu soo bilaabo kaddib markii ay ku guul darreysteen in lagu soo bilaabo kulankii horyaalka, laakiin Conte ayaa la arkaa inuu ciyaaro shaxda 3-5-1-1.
Gary Cahill iyo Tiemoue Bakayoko ayaa labadaba lagu soo bilaabi karaa kulanka kaddib markii la nasiyay kulankii dhawaa ee blues. Davide Zappacosta ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ku soo bilowdo garabka midig ee daafaca.
Stefan Savic ayaa dib ugu soo laabtay Atletico Madrid kaddib markii uu ganaax ku seegay kulankoodii ugu dambeeyay ee Champions League.
Thomas Partey ayaa la arkaa in laga shaqo galiyo garabka midig ee daafaca maadaama uu dhaawac la dhibtoonayo Juanfran.
Ángel Correa iyo Kevin Gameiro ayaa ku dagaalamaya qofkii afka hore kala ciyaari lahaa Antoine Griezmann.
Yannick Carrasco ayaa lagu soo bilaabi doonaa iyadoo ay kooxdu ka warqabto in Guul uun ay nooleyn karto rajadooda soo bixitaanka.
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Michy Batshuayi ayaa dhaliyay gool soo daahay si uu guul ugu gacan galiyo Chelsea ciyaartii ay 2-1 uga adkaadeen Atletico Madrid ee lagu soo ciyaara Madrid.
Lix kulan ay kooxahan isku arkeen tartamada UEFA, 2-guul, 2-bar baro iyo 2-guul daro ayay wadaageen.
Afar ka mid ah lixda kulan ay kulmeen labada kooxood ayaa wada dhaliyay isku cel celis 2.5 gool.
Atletico Madrid ayaa adkaatay markii ugu dambeysay ay soo booqato Stamfrod Bridge 3-1.
Rikoodhka ay Chelsea ka heysato kooxaha Spain ayaa ah, 15-guul, 12 bar baro iyo 8 guul daro, 35 kulan ay la ciyaartay, halka 15 kulan ay garoonkeeda kula ciyaartay ay gaartay 9-guul, 4 bar baro iyo 2-guul daro.
Rikoodhka ay Atletico Madrid ka heysato kooxaha Ingiriiska, 10 guul, 10 bar baro iyo 6 guul daro, 26 kulan ay la ciyaartay, marka ay ku ciyaareyso dhulka Ingiriiska kooxda reer Spain ayaa gaartay 2-guul, 5 bar baro iyo 4 guul daro, 11-kulan ay soo booqatay.
Safkafka Macquulka ah inay ku soo galaan Chelsea vs Atletico Madrid:
Gool FM.