(Europe) 05 Dis 2017. Labada kooxba kol hore ayay xaqiiqsadeen booskooda wareega 16-ka Champions League.
Balse waxaa kulanka dhadhan gaar ah u yeelaya inay wada doonayaan kaalinta koowaad halka kooxda reer Germany ay dooneyso inay ka aargudato PSG guul daradii xumeyd ay dul dhigtay is aragoodii hore.
Wararka Labada dhinac:
Thiago, Arjen Robben, Franck Ribery iyo Manuel Neuer ayaa lagu wadaa inay ka wada maqnaadaan Bayern Munich halka shaki laga muujinayo taam ahaanshaha Juan Bernat.
Maadaama aysan heysan wax kaga duula garbaha, kooxda reer Germany ayaa la arkaa inay ciyaarto shaxda 4-2-3-1 iyadoo uu Muller dhanka midig aadi doono.
Edinson Cavani iyo Marco Verratti ayaa lagu soo bilaabi doonaa caawa kaddib markii la nasiyay kulankii dhawaa ay ciyaartay kooxda.
Julian Draxler ayay u badan tahay inuu qadka dhexe ee saddexda ka kooban kala ciyaro Thiago.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Bayern Munich vs PSG (Champions League)
Goobta: Allianz Arena (Munich).
Goorta: 10:45 habeenimo
Garsoorka: Cuneyt Cakir (Turkey)
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Guud ahaan 7-jeer ay kulmeen labada kooxood , PSG ayaa adkaatay 5-jeer halka ay Bayern badisay 2-jeer.
Rikoodhka ay Bayern guud ahaan ka heysato kooxaha Faransiiska ayaa ah, 17 guul, 5- bar baro iyo 10 guul daro, 32 kulan ay la ciyaartay, 13-kulan oo lagu ciyaaray garoonkeeda kooxda reer Germany ayaa adkaatay 9-kulan, 2 bar baro iyo 3-guul darro.
Rikoodhka PSG ee kooxaha Jarmalka ayaa ah. 9-guul, 2 bar baro iyo 3-guul daro. 14 kulan ay wajahday. Marka ay ku soo ciyaarto carada Jarmalka, PSG ayaa heysata 3-guul, bar baro iyo saddex guul daro, 7-kulan.
Safafka Macquulka ah ee Bayern Munich vs PSG:
Gool FM.