Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Waa sidee xaalka, Ma Timo Jare ayuu isku badelay David Luiz!!???

$
0
0

hazard

(London) 05 Dis 2017. David Luiz ayaa baryahaan garoomada laga waayay balse wuxuu soo muuqday isagoo shaqo cusub heysta isla markaana tinta u xiiraya Eden Hazard.

Daafaca dhexe ee reer Brazil ayaa ciyaaray hal kulan oo qura tan iyo sidii ay isugu dhaceen tababare Antonio Conte kaddib ciyaartii lagu ihaaneystay Blues oo ay guul darada 3-0 kala kulmeen Roma bishii October, wuxuuna seegi doonaa ciyaarta caawa ee Atleitoc Madrid kulanka ugu dambeeya wareega group yada Champions League sababo la xiriira dhaawac jilibka ah.

Macallinka reer Talyaani ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inay dagaal iskula jiraan David Luiz.

Eden Hazard reveals Chelsea outcast David Luiz's new role at Cobham

Maadaama uu Luiz safan Karin kulanka caawa, wuxuu caawinayay saaxiibkii Eden Hazard isagoo iska dhigaya Timo Jaraha cusub ee kooxda.

Hazard ayaa 30-jirka ku tilmaamayTimo Jaraha cusub ee xerada tababarka Cobham kaddib markii uu Instegram kiisa soo dhigay iyadoo uu garka u xiirayo.

Wuxuu Sawirka Hazard soo raaciyay qoraal u dhacaya:

“Timo jaraha cusub ee Cobham, waa inaad aamintaa Qoyskaaga.

“Shaqo wacan @davidluiz_4, laakiin fadlan saaxiibayaal  tan ha isku dayin intaad guriga joogto.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles