(Europe) 08 Dis 2017. Arsenal ayaa xalay si xarago leh uga adkaatay naadiga BATE Borisov oo ay ku tiirisay Nus darsin goolal ah taa oo ka dhigan inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group ka H.
Haddaba halkan ka aqris waxa aad u baahan tahay si aad u ogaato isku aadka Europe League ee Insiinta la sameyn doono.
Waa kuwee kooxaha u soo gudbay wareega 32?
AC Milan (ITA), Arsenal (ENG), Atalanta (ITA), Athletic Club (ESP), Atlético Madrid* (ESP), Braga (POR), CSKA Moskva* (RUS), Dynamo Kyiv (UKR), Lazio (ITA), Leipzig* (GER), Lokomotiv Moskva (RUS), Plzeň (CZE), Salzburg (AUT), Sporting CP* (POR), Villarreal (ESP), Zenit (RUS).
AEK Athens (GRE), Astana (KAZ), Celtic* (SCO), Crvena zvezda (SRB), Dortmund* (GER), FCSB (ROU), København (DEN), Ludogorets (BUL), Lyon (FRA), Marseille (FRA), Napoli* (ITA), Nice (FRA), Östersund (SWE), Partizan (SRB), Real Sociedad (ESP), Spartak Moskva* (RUS).
Waa kuwee 8-da kooxood ee Champions League kaga soo biiray Europe League?
CSKA Moskva (RUS), Atlético Madrid (ESP), Leipzig (GER,), Sporting CP (POR), Spartak Moskva (RUS), Napoli (ITA), Celtic (SCO), Dortmund (GER).
Goorma ayaa la sameynayaa Isku aadka?
Waxaa la sameyn doonaa maalinta Isniinta ah duhradii marka la sameeyo isku aadka Champions League kaddib.
Halkuu lag sameynayaa?
Waxaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.
Siduu u shaqeynayaa isku aadka?
Labo dheri ayaa loo qeybin doonaa kooxaha iyadoo kuwa ku soo baxay kaalmimaha koowaad ee wareega Group yada ay gali doonaan Dheriga koowaad.
Sideeda kooxood ee iyaga ka yimid Champions League afartooda ugu dhibcaha badan ayaa gali doona Dheriga koowaad halka afarta kalena ay galayaan dheriga labaad.
Iskuma aadi doonaan kooxaha ka soo wada baxay isla halka Group, sidoo kale isma wajahayaan kooxaha isku dalka ah.
Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada?
Waxaa la ciyaari doonaa Khamiis 15-ka iyo 22 ka Feebaraayo.
Yay Arsenel ku aadi kartaa?
Gunners ayaa ku aadi karta.
AEK Athens
Borussia Dortmund
Celtic FC
Astana
FC Copenhagen
FCSB Ludogorets Razgrad
Lyon
Marseille
Napoli
Nice
Ostersunds
Partizan Belgrade
Real Sociedad
Spartak Moscow
Gool FM.