(Manchester) 09 Abriil 2016. Xiddigaha Man united ayaa lagu qasbi doonaa in mushaarkooda la dhimo haddii ay u soo bixi waayaan tartanka xiisaha badan ee Champions League sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah.
Ciyaartoyda iyo shaqaalaha dhanka tababarka ayaa lumin doona adduun dhan 14-milyan oo bound haddii ay ku guul darreystaan inay ku dhameystaan afarta sare ee Premier League, £500,000 ayaa ka go’eysa ciyaaryahankiiba.
Haddii uu Van Gaal uu ku hogaamin waayo Red Devils tartanka horyaalada Yurub waxay u badan tahay in la ceyrin doono sida ay sheegeyso The Times.
Inta badan laacibiinta safka hore ee kooxdan ayaa ku jira balan qaad heshiiskooda kaa oo sababi kara in hoos loo dhigo mushaaraadkooda haddii ay United u soo bixi wayso CL.
Dhammaan ciyaaartoyda waxay jeebka ku shubtaan mushaar caadi ah marka ay heshiis la galaan koox, marka ay u soo baxaana Champions League waxay qaataan mushaar ka ballaaran kii hore lana qurxiyay.
Haddii ay Man United guul darro kala kulanto kooxda adag ee Tottenham waxay afar dhibcood u jiri doontaa Man City oo laga soo qaaday inay garaaceyso West Bromwich.
Guul darro soo wajahdana waxay soo afjari kartaa rajadooda koobka horyaalada Yurub ee xilli ciyaareedka soo aadan.
Gool FM.