Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Benaadir vs Jubbaland…(Kulanka furitaanka tartanka Maamul Goboleedyada Soomaaliya)

$
0
0

trtan

(Muqdisho) 08 Dis 2017. Tartanka Maamul Goboleedyada ayaa galabta laga furi doonaa Garoonka Banaadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis.

Tartanka ayaa sanadkiisii labaad ka qabsoomi doona Muqdisho, waxaana ka qeyb qaadanaya shan maamul Goboleed oo lagu daray Benaadir.

Xafladda lagu furayay tartanka ayaa dhacday shalay galab waxaana socdaal dheer garoonka kusoo maray ciyaartooyda xulalka ka qeyb qaadanaya tartanka.

Ciyaar xiiso badan ayaa galabta dhax mari doonta Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo G/Benaadir kulan qeyb ka ah Group-ka A.

Guruub A ayaa ah kan ugu adag labada guruub ee tartanka, waxaana kula jirta Galmudug oo si xoogan ugu diyaar garoowday tartanka.

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa sanadkii ugu dambeyay waxey gaareyn  Finaal-ka wallow ay koobkii ka qaaday Puntland.

Wiilasha Gobolka Benaadir ayaa diyaar garow xoogan u galay sidii ay ugu guuleysan lahaayeen Tartanka Maamul Goboleedyada iyagoo kulamo Tijaabo la soo ciyaaray kooxo kala duwan.

Sanadkan waxaa lagu waday in lagu qabto Tartanka Maamul Goboleedyada Magaalada Kismaayo balse ma aysan noqon waxaa loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho.

Xulalkaani ayaa sanadkii hore 22 jully 2016  isku arkay wareega afar dhammaaka Tartanka Maamul Goboleedyada  ee dalka waxana ciyaarta waqtigii caadiga aheyd ku soo idlaatay bar baro, Balse waxaa Rigoorooyin 9 iyo 8 ku adkaaday Jubbaland oo sidaa ku gaartay Final ka.

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles