Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Hazard iyo Willian oo Qosol kal iyo laab ah jabsaday mar wax laga waydiyay haddii ay u tartamayaan Premier League!!!

$
0
0

maa

(England) 13 Dis 2017. Chelsea ayaa xalay Huddersfield ku martay 3-1 horyaalka Premier League iyadoo ay wacdaro dhigeen Hazard iyo Willian.

Laacibka reer Belgium oo ciyaarta kaddib la guddoonsiiyay abaal marinta xiddiga kulanka ayaa u wareejiyay saaxiibkii Willian uu ku sheegay inuu isaga ka mudan yahay maadaama uu goolna dhaliyay labada kalena  caawiyay.

Balse labada wiil aya Qosol kal iyo laab ah jabsaday mar wax laga waydiiyay haddii ay dib ugu soo laabteen tartanka horyaalka Premier League iyadoo la xusuusto inuu macallinkooda sheegay inay isaga hareen isla markaana yoolkoodu yahay meel kale.

qosol

Mar la waydiiyay su’aasha haddii ay tartamayaan, Willian ayaa ku jawaabay isagoo ka dhacsan:

“Way adag tahay 14-dhibcood.

Laakiin waxaa hadalka ka soo dhex galay Hazard oo yiri:

“11-dhibcood ayaa nalaga sareeyaa iminka, guul ayaan gaarnay. Waan soo laabanay.”.

Intaa kaddib Hazard iyo Willian ayaa Qosol la dhacay malaha iyagoo cabiraya inaysan suuro gal ahayn in la soo qabto kooxda ilaa iminka laga adkaan la’yahay Premier League ee Manchester City.

Willian ayaa ugu dambeyn sheekada ku soo xiray:

“Waa inaan dagaalannaa ilaa dhammaadka. Chelsea ayaan nahay , koox wayn ayaan nahay.”.

FIIRO GAAR AH: Daawo qeybta dambe ee Wareysiga si aad u hesho sheekadan qornay

DAAWO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles