(Abu Dhabi) 14 Dis 2017. Real Madrid ayaa xalay marti ku ahayd Abu Dhabi oo ay Al Jazira kula ciyaareysay Club World Cup balse waxay u muuqdeen kuwa ku ciyaaraya garoonkooda caanka ah ee Bernabeu.
Inkastoo Al-Jazira ay yihiin marti galiyayaasha rasmiga ah ee koobka kooxaha adduunka misane taageerayasaha Real Madrid ayaa qabsaday inta badan garoonka Zayed Sports City Stadium intii lagu guda jiray ciyaartii Semi Final ka ee xalay.
In loo sacbo tumayay wiilasha Zidane iyo in lagu oorinayay kooxda ka dhisan Abu Dhabi markasta oo ay weerar qaado ayaa Zayed Sports City Stadium u badelay Estadio Santiago Bernabeu.
Kooxda Henk ten Cate ay taageero wayn ku helay garoonkooda kulankii hore ay ka so adkaadeen Urawa Reds, laakiin taageerayaashoodii ayaa ka helay oo bilaabay inay u sacbo tumaan kooxda wayn ee Real Madrid ciyaartii xalay 2-1 looga adkaaday.
Gool FM.