Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DAAWO Fal celintii Ronaldo markii ay xalay Taageerayaasha Carbeed ku qeylinayeen ‘Messi, Messi’

$
0
0

falc

(Abu Dhabi) 14 Dis 2017. Cristiano Ronaldo ayaa ka caawiyay Real Madrid inay u gudubto Final ka Club World Cup kaddib markii ay 2-1 xalay uga adkaadeen Al-Jazera.

Qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Los Blancos lagu hogaaminayo hal gool ayaa Ronaldo u bar bareeyay ka hor inta uusan Bale dhalin goolka guusha.

Laakiin taageerayaashii ku sugnaa Zayed Sports City Stadium ayaa isku dayay inay maroor dilaaciyaan Ronaldo maadaama ay ku qeylinayeen magaca ninka ay coltamaan ee Messi.

roo

Xiddiga reer Portugal ayaa dhawaan soo bar bareeyay Lionel Messi oo ay iminka ku wada guuleysteen min 5 Ballon d’Or.

Sida ka muuqaneysa Muuqaalka Ronaldo ayaan la dhicin hab dhaqanka taageerayaasha isagoona gacmihiisa kor u qaaday. Malaha wuxuu waydiinayay waxa ka qaldan.

DAAWO MUUQAALKA:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles