(Europe) 16 Dis 2017. Ronaldo ayaa caawa Real ka caawiyay inay ku guuleysato Club World Cup kaddib markii uu dhaliyay goolka qura ay kaga adkaadeen Gremio.
Xiddiga reer Portugal ayaa uga dhigan midan inuu ku guuleystay Koobkan markiisii afaraad.
2008 uu kula soo guuleystay Manchester United, 2014, 2016 iyo 2017 uu la qaaday Real Madrid.
Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay koobkan saddex Jeer oo qura taa oo ka dhigan in Ronaldo uu far dheeryahay camaaliqada reer Spain.
Kubbad qaabeeyaha Real Madrid Toni Kroos aya sidoo kale isna 4-jeer ku guuleystay koobkan.
Gool FM.