(Muqdisho) 17 Dis 2017. Tartanka Maamul Gobleedyada Soomaaliya ayaa isla soo gaaray meel xiiso leh oo waxaa la gaaray wareega afar dhammaadka.
Banaadir iyo Jubbaland ayaa ka soo baxay Group A halka kooxda xafidaneysa tartankan ee Puntland iyo Koofur Galbeed ay ka soo bexeen Group B.
Beri iyo Beri dambe ayaa la kala ciyaari doonaa kulamada Semi Final ka.
Puntland iyo Benaadir ayaa berito isku qaban doona Koonis kulan xiiso badan oo aad looga dharsugayo.
Labadan koox ayaa sanadkii hore isku soo arkay wareega Group yada ee tartankan waxayna ku kala bexeen bar baro 2-2.
Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa iyana ciyaari doona Talaadada.
Labada Koox ee soo gudubta ayaa Final ka wada ciyaari doona Jimcaha hadduu eebe Idmo.
Gool FM.