(Spain) 10 Abriil 2016. Xiddiga qadka dhexe ee naadiga Real Sociedad Esteban Granero ayaa sheeganaya in saaxiibkii hore ay ka wada tirsanaan jireen Real Madrid ee Alvaro Arbeloa uu ka ballan qaaday inay garaaci doonaan Barcelona, xilli uu hirgalay ballankaas iyagoo hal gool oo qura ku maray hogaamiyayaasha La Liga.
Gool madi ah uu u dhaliyay Mikel Oyarzabal markii ay shan daqiiqo uun ciyaartu socotay ayaa ku filnaatay kooxda ku ciyaarta Anoeta inay saddexda dhibcood ka xayuubsadaan Barcelona.
Granero, oo isagu Arbeloa kala soo garab ciyaaray kooxda ay coltamaan Barcelona ee Real Madrid ayaa ku faraxsanaa inuu gacan ku siiyo kooxdiisii hore dagaalanka ay ugu jiraan hanashada horyaalka La Liga.
“Arbeloa waa saaxiibkey oo aan aad u tix galiyo, waan la hadlay isaga waxaana u ballan qaaday guusha, waana guuleysannay,” Granero ayaa sidaa saxaafadda u sheegay ciyaarta kaddib
“Waa guul aad muhiim innoogu ah taa oo nasiineysa niyad wayn oo kor isugu qaadno waxayna inoo sheegeysaa inaan garaaci karno koox wayn sida Barcelona oo kale.
“U maleyn maayo haddii ay saameyn doonto La Liga iyo inkale, waxaan inta badan ku faraxsanahay inaan caawiyo kooxdeyda. Haddii ay intaa kaddib guusheena caawineyso Madrid way ka sii fiican tahay, maxaa yeelay Barca waxay ahayd kooxda ugu wayn aan la xifaaltamo tan iyo yaraanteydii.
Laakiin Granero ayaa farriin u diray kooxdiisa hore ee Madrid marka ay soo booqdaan Sociedad 30-ka bishan: “Madrid sidoo kale waa inay timaadaa Anoeta wayna ogyihiin inaan sidaa oo kale ugu adkeyn doono xaalka.”.
Gool FM.