(England) 25 Dis 2017. Mohamed Salah ayaa indhaha ku haya inuu koobab kula guuleysto kooxda ka rrimisa Anfied kaddib markii ii si dhaqsi leh guul ugu bilowday Premier League.
Wiilka reer Masar ayaa hogaaminta gool dhalinta horyaalka 15-gool la leh Harry Kane wuxuuna doonayaa inuu koobab ku darsado ammaanta loo soo jeedinayo.
Wareysi uu siiyay Sky Sports News ayuu Maxamed Saalax ku yiri:
“Waxaan doonayaa inaan koobab halkan kula guuleysto, waxaan halkan u imid inaan koobab ku guuleysto, inaan wax kula guuleysto kooxda, innaga iyo taageerayaasha.
“Waxaan jeclahay inaan halkan wax kula guuleysto. Si adag ayaan u shaqeynaynaa maalinkasta si aan wax ugu guuleysano. Waan hubaa inaan wax ku guuleysan doonno sanadkan.”.
Gool FM.