Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

WAR CUSUB: Mourinho oo ku kalsoon soo xero galinta Paulo Dybala

$
0
0

joooo

(Europe) 26 Dis 2017. Macallinka Manchester United Jose Mourinho ayaa kalsooni ku qaba in Barcelona iyo Bayern Munich uu ku garaaci doono saxiixa Paulo Dybala.

Dybala ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu shidan Serie A tan iyo sidii uu ugu soo biiray Juventus wuxuuna camaaliqada reer Talyaani u dhaliyay 57-gool 119-kulan uu u ciyaaray.

Wiilka reer Argentina ayaa si joogta ah lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqayo Premier league, Daily Star ayaa sheegeysa in Mourinho ay ka go’an tahay sidii uu u keeni lahaa Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda.

jo

Mourinho ayaa ka warqaba in shaxdiisa ay u baahan tahay xoojin labada suuq kala iibsi ee na soo aadan si uu cag cagta ugu saaro kooxda la loodin la’yahay ee Manchester City.

Si uu Dybala ugu soo jiito Masraxa riyada, Jose ayaa la sheegayaa inuu iska fasixi doono Henrikh Mkhitaryan.

Dybala ayaa loo arkaa mid aad ugu haboon Manchester United xawaaraha iyo hal-abuurka uu qabo darteed.

Laakiin 24-jirka ayaa soo jiidanaya xiisaha kooxo badan, Muruq waynta Barcelona iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale doonaya inay soo xasiliyaan saxiixiisa.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles