(England) 27 Dis 2017. Antonio Conta ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu Stamford Bridge keeno xiddiga qadka dhexe ee Bayern Munich Arturo Vidal.
Labada ayaa ka soo wada shaqeeyay Juventus sanadihii u dhexeeyay 2011 iyo 2014, macallinka Chelsea ayaana qadarin u haya wiilka reer Chile.
Warsidaha Kicker ee dalka Germany ayaa sheeganaya in camaaliqada Spain laga yaabo inay iibiso 30-jirka mustaqbalka dhow taa oo keeneysa qiyaas fikradeeedka in kooxda ka dhisan Galbeedka London ay u soo dhaqaaqdo.
“Kama hadlo ciyaartoyda kooxaha kale,” Conte ayaa sidaa yiri kaddib guushii ay xalay ka gaareen Brighton kulankii Boxing Day.
“Waa inaan daacad u hadlaa, sax ma ahan in laga hadlo ciyaaryahan koox kale u jooga. Gaar ahaan hadaad isku daydo inaad ciyaaryahankan nala xiriiriso innaga.
“Laakiin Vidal waa ciyaaryahan Cajiib ah, Xushmad ballaaran ayaan u hayaa isaga, sanado badan ayaan ku soo wada qaadanay Juventus.
“Haddii aan dagaal galeyno waxaan had iyo jeer doonayaa inuu ila jiro.”.
Qandaraaska uu Vidal ku joogo Allianz Arena ayaa dhacaya 2019, Bayern ayaana iska iibin karta laacibka lagu qiimeeyay 53-da milyan oo bound.
Gool FM.