Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Dhibaato hor leh oo soo gaartay Kabtanka Manchester City

$
0
0

ka

(England) 28 Dis 2017. Vincent Kompany ayaa garoonka laga saaray 10-daqiiqo uun kaddib ciyaartii xalay ay Manchester City ka adkaatay Newcastle United.

31-jirka ayaa dhaawiciisii ugu dambeeyay ka soo laabtay uun kulankii ay 4-0 uga adkaadeen Bournemouth 23-kii December.

Waxaa la aaminsan yahay inuu dhaawaca cusub ka gaaray Kubka waxaana wajigiisa laga dheehanayay jahwareer.

 Vincent Kompany appeared to have injured his calfKyle Walker ayay kaamirooyinku soo qabteen isagoo keydka kooxda u sheegaya inuu dhaawac kale soo gaaray Kabtanka.

“Ma garanayo waxa dhici doona, nasiib darro markale ayuu dhaawacmay,” Guardiola ayaa sidaa yiri.

Dhibaatada dhaawaca Vincent Kompany ayaa ku soo aadeysa isla maalinkii ay Liverpool 75-milyan kula heshiisay Virgil van Dijk kaa oo bartilmaameed sare u ahaa Pep Guardiola.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles