Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Morata oo MATAANO filanaya

$
0
0

mataano

(England) 28 Dis 2017. Dhaliyaha Chelsea Morata ayaa Mataano filanaya in loo dhalo sida ay warinayaan warar ka imaanaya Spain.

Morata iyo xaaskiisa Alice Campello ayaa horaantii bishan daaha ka rogay inay filayaan canugoodii ugu horreeyay.

Warar shalay ka soo baxay Spain ayaa tibaaxaya in Morata iyo Gacalisadiisa loo sheegay in waxa ay filanayaan uusan ahayn hal canug balse uu yahay labo Mataano.

Doctors reportedly told Alvaro Moratta and his wife Alice Campello they were expecting two babiesWaxaa xitaa loo sheegay in Mataanaha uu yahay nuuca loo yaqaano ‘identical twins’ ee ah Mataanaha isku midka ah ee halka ukun kawada beerma dabadeed kala go’a oo labo meel ku kala kora.

Labada Lamaane ayaa 17-dii June isku guursaday Venice kaddib markii uu Morata guurka u bandhigtay saaxiibtiisa Alice Campello intii uu socday Shoow indho Sarcaad ah oo lagu qabanayay magaalada Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025