(Monrovia) 28 Dis 2017. George Weah oo dhawaan loo doortay Madaxwaynaha cusub ee dalka Liberia inkastoo si rasmi ah loo shaacin cod bixinta ayaa guushiisa Yurub ee waayihiisa ciyaareed uga mahdinaya macallinka Arsenal Arsene Wenger.
Wenger oo macallin ka ahaa Monaco ayaa Weah ka keenay Tonnerre Yaoundé 1988.
Laacibkii hore ee xulka Liberia ayaa intaa kaddib u soo ciyaaray Paris Saint-Germain, AC Milan, Chelsea iyo Manchester City, wuxuu intaa kaddib dib ugu soo laabtay Faransiiska isagoona ku biiray Marseille.
Wuxuu ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or taa oo ka dhigeysa inuu yahay laacibka kaliya iyo kii ugu horreeyay oo Afrikan ah ee heysta kubbada dahabka.
Haddaba Madaxwaynaha cusub ee Liberia oo ka sheekeynaya waayihiisii bilowga ee Yurub iyo dhibkii qabsaday ayaa yiri:
“Markii aan bilaabayay ciyaarista kubbada cagta marna ma aaminsanayn inaan ebid ku guuleysan doono Ballon d’Or aana u soo ifbixi doono kan ugu fiican adduunka.
“Waxaan qabay muxibbada ciyaaraha si adagna waan u shaqeeyay. Maalin kasta tababar ayaan sameynayay halkii aan wax cuni lahaa ama aan jiifan lahaa.
“Markii aan u soo dhaqaaqay Monaco anigoo ka imid naadiga reer Cameroon ee Tonnerre Yaoundé 1988, ma aan ciyaarin lixdii bilood ee ugu horreysay, laakiin waxaa iga go’neyd inaan muujiyo tayadeeda, si aan ugu caddeeyo inaan laacib fiican ahay kuwa dalkeyga jooga kuwaa oo aaminsan in imaanshaheyga Yurub ay waqti lumis ahayd.
“Arsene Wenger ayaa sida aabe ii ahaa oona ii arkay sida wiilkiisa oo kale. Wuxuu ahaa ninkii Jaceylka ii muujiyay markii ay Cusuriyada sabbeynaysay halkeeda ugu sarreysa, Wuxuu doonayay inaan isaga dartii u ciyaaro.
“Maalin Maalmaha ka mid ah, waxaan yare ka daalay tababarka waxaana Wenger u sheegay inuu madaxa i xanuunayo.
“Wuxuu igu yiri: ‘George, waan ogahay inay adag tahay balse waxaad u baahan tahay inaad si adag u shaqeyso. Waxaan aaminsanahay xirfadaada, waxaad noqon kartaa mid ka mid ah laacibiinta ugu fiican adduunka.
“Sidaa darteed waan dhageystay waxaana sii watay howsheeda, Ilaah ka sukoow, waxaan aaminsahay in Wenger la’aantiisa aysan jiri lahayn waddo aan ugu guuleysto Yurub.”.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.