Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

WAR CUSUB: GYM ka oo sabab u noqday hoos u dhaca Romelu Lukaku

$
0
0

Lukaku

(Manchester) 29 Dis 2017. Jose Mourinho ayaa ka cabsi qaba in GYM ka badan uu sameeyay Romelu Lukaku ay sabab u tahay inuu lumiyay xawaarihiisa.

Xiddiga ay Man United xagaagii Everton kaga soo iibsatay 75-milyan oo bound ayaa waxaa ku kordhay miisaan culus.

Dhakhaatiirta kooxda ayaa u xaqiijiyay Jose Mourinho in miisaanka dheeriga ah ee ku kordhay Lukaku ay dhammaan yihiin Murqo (Muscles) oo aysan ahayn Xeer (Fats).

lk

Laakiin Manchester United ayaa walaac ka qabta inay midaa gaabisay xawaarihii 24-jirka reer Belgium.

Lukaku ayaa si qurux badan ku bilowday waayihiisa Manchester United isagoo dhaliyay 11 gool 10-kii kulan ee ugu horreysay.

Balse tan iyo sidii uu GYM ka u galay si uu xoogiisa u kordhiyo, Lukaku ayaa galay waqti abaar isagoo dhaliyay 1 gool oo qura 12-kii kulan ee xigay.

lukk

Yeelkeede, Laacibka ayaa misane saddex dhaliyay afar kulan laakiin waxaa la yaab ahayd inuu diiday inuu dabaal dego mar uu goolal ka dhaliyay Bournemouth iyo West Brom.

Saddex kulan kale oo goolal la’aan ah ayuu misane galay taageero badan ayaana dulqaadkii ka dhammaaday.

Kooxda Jose Mourinho ayaa lumisay 7-dhibcood shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxayna 15-dhibcood u jirsadeen hogaamiyayaasha Manchester City.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles