Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Liverpool vs Leicester City

$
0
0

lii

(England) 30 Dis 2017. Liverpool oo si xun u soo silcisay Swansea City kulankii Boxing Day ayaa marti qaadeysa Leicester City oo guul daro kala soo kulantay Watford.

Wararka Labada dhinaca:

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa dhaawac muruqa ah ku sii maqnaan kara ilaa bisha Feebaraayo.

Daafacyada Alberto Moreno iyo Nathaniel Clyne ayaa weli dhaawacyo ku maqnaan doona halka dhaliyaha Daniel Sturridge uu shaki ku jiro sababo la xiriira xanuun haya.

Xiddiga qadka dhexe ee Leicester City Daniel Amartey ayaa la heli karaa kaddib markii uu ganaax ku seegay kulankii Boxing Day ay guul darada kala kulmeen Watford.

Daafacyada Robert Huth iyo Danny Simpson iyo xiddiga qadka dhexe ee Matty James ayaa dhammaan wada seegaya kulanka.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Liverpool vs Leicester City (Premier League)

Goobta: Anfield

Goorta: 6:00 Fiidnimo

Garsoorka: Neil Swarbrick (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Leicester ayaa 2-0 ku garaacday Liverpool wareega saddexaad ee EFL Cup bishii September ka hor inta aysan Reds markeeda 3-2 uga adkaan Leicester afar maalmood kaddib horyaalka.

Liverpool labo guul daro hal xilli ciyaareed kalama kulmin kooxda lagu naaneyso Foxes tan iyo 1998-99.

Saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ay labada kooxood ku kulmaan Premier League waxay iska dhaliyeen 14-gool.

Reds ayaa saddex guul darro kala kulantay Leicester City dhammaan tartamada intii uu xilka u hayay Jurgen Klopp waana in ka badan inta ay kala kulmeen koox kasta oo kale tan iyo sidii uu xilka ugu qabtay.

Safafka Macquulka ah ee Liverpool vs Leicester City:

li

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025