Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Manchester United vs Southampton

$
0
0

un1

(England) 30 Dis 2017. Jose Mourinho iyo xertiisa oo baryahaan guul arkin ayaa mininkooda ku marti qaadaya Southampton.

Wararka Labada dhinac:

Romelu Lukaku ayay u badan tahay inuu ku soo bilaaban doono kulanka iyadoo ay jirto in Mourinho uu qirtay in dhaliyaha Man United uu daalan yahay.

Anthony Martial iyo Matteo Darmian uma badna inay kulanka ka soo muuqan doonaan iyadoo ay jirto inay usbuucan dib ugu soo laabteen tababarka.

Southampton waxaa ka maqnaan doona daafacooda Virgil van Dijk, kaa oo kowda Janaayo ku biiri doona Liverpool.

Charlie Austin ayaa ganaaxan inkastoo kor iyo hoos uu labada bilood ee soo socota ku maqnaan lahaa dhaawac muruqa ah.

Daafaca garabka bidix Ryan Bertrand ayaa la qiimeyn doonaa dhibaatada ka heysata muruqa.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Manchester United vs Southampton (Premier League)

Goobta: Old Trafford

Goorta: 8:30 Habeenimo

Gasroorka: Craig Pawson (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

Southampton ayaa guul gartay labo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka ee lagu ciyaaro Old Trafford labaduba 1-0 ayay ku adkaatay.

Waxay ku guul darreysteen inay guul ku soo gaaraan garoonka Manchester 19 kii kulan ee ka horreeyay horyaalka (16 guul darro iyo 3 bar baro)

Man United ayaa shabaqeeda ilaashaneysay kulan kasta saddexdii ciyaar ee ugu dambeysay Premier League ay la ciyaarto Southampton. Kaddib sagaal kulan oo ay midkoodna ka ilaashan waysay.

Safafka Macquulka ah ee Manchester United iyo Southampton:

un

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles