Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ciyaartoydii xalay diiday inay la dabaal degaan Alexis Sanchez oo la ogaaday!!!

$
0
0

ar

(England) 29 Dis 2017. Kulankii xalay ay Arsenal 3-2 uga adkaatay Crystal Palace ayaa laga diiwaan galiyay arrin yaab leh gaar ahaan markii uu Sanchez 2-1 iyo 3-1 ciyaarta ka dhigay.

Dabaal degii goolka ee xiddiga reer Chile ayaa lagu kala qeybsamay iyadoo ciyaartoyda qaar ay iska indho tireen inay dhankiisa u soo cararaan iyagoo booskooda iska taagnaa.

Halyeygii hore ee Gunners Thierry Henry ayaa sheekadan ku micneeyay inay jirto kala qeybsanan ciyaartoyda ah ee dhanka qolka dharbadelashada.

Haddaba waxaa la soo ogaaday 5-ta ciyaaryahan kuwaa oo u cararin dhanka Sanchez si ay ula soo dabaal degaan goolkii koowaad, waxaana lagu kala sheegay Laurent Koscielny, Sead Kolasinac, Jack Wilshere, Hector Bellerin iyo Calum Chambers.

xar

Mesut Ozil, Alexandre Lacazette, Granit Xhaka iyo Shodkran Mustafi ayaa ah xiddigaha kaliya ee goolka koowaad kula dabaal degay Sanchez.

Waxaase yaab ahayd in markii uu Sanchez dhaliyay goolkii labaad daqiiqado yar uun kaddib ay kuwii hore xitaa la dabaal degeen marka laga reebo Laurent Koscielny oo meeshiisa u soo dhaafin inuu la dabaal dego iska dhaafee.

29-jirka weerarka ka ciyaara ayaa ka tagi kara naadiga marka uu furmo suuqa kala iibsiga maalmaha yar ee na soo aadan maadaama uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles